Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Turkiga oo soo celiyay ciidamo Soomaali ah oo tababar loogu geeyay xilli ay is-khilaafeen R/W Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa khilaaf xoog leh uu ka dhax jiraa dowladda Soomaaliya iyo taliska tababarada dowladda Turkiga ee saldhigga magaalada Muqdisho khilaafkaas oo dibadda usoo baxay maalmihii ugu dambeeyay.

Khilaafkaan ayaa u dhaxeeya Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, iyo Sarkaalka Turkiga u qaabilsan arimaha tababarada iyo ciidamada kaas oo sidoo kale ugu sarreeyo xarunta tababarada ee dowladda Turkiga ku leedahay magaalada Muqdisho.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in khilaafkaan uu ka dhashay Ciidamo dowladda Turkiga tababartay oo taliye looga dhigay Sarkaal ay wataan Saadaq John, iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana laga badalay taliyihii ay u soo magacaawday dowladda Turkiga.

Ciidamadaan oo howlgalad gaarka ah ka fuliya magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Haramcad, waxaana taliye looga dhigay Sarkaal kamid ah ciidamada ay tababartay dowladda Turkiga halka ku xigeen looga dhigay Farxaan Qaroole oo kamid ah Saraakiisha ka hoos shaqeeya Saadaq John iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale waxaa taliye ku xigeenka 2-aad looga dhigay Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Korneel Fanax oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya horane taliye uga ahaa degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir markiisii horane ka soo goostay Al-Shabaab.

Saadaq John iyo labada taliye ee aan kor ku soo xusnay ayaa hoos u dhigay 70% awoodda taliyaha ay dowladda Turkiga u soo magacaawday ciidamada Haramcad ee howlagalada gaarka ah ka fuliya magaalada Muqdisho waana sababta keentay khilaafka.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Sarkaalka dowladda Turkiga u magacaawday hogoominta ciidamada uu turkiga tababaray ee Haramcad uu warbixin ku siiyay Taliyihiisa ka sarreeya in uusan waxba kala socon dhaq dhaqaaqa ciidamada oo ay maamushaan Farxaan Qaroole,  Kornel Fanax iyo Saadaq John.

Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa taliyihiisa warbixin ku siiyay 4 howlgal oo aan laga tala gelin waxna uusan ka ogeyn ay fuliyeen ciidamada arintaasna ay sababtay muran u dhaxeeya asaga iyo labadiisa ku xigeen. Dowladda Turkiga ayaa markaas kadib xiriir la sameysay Saadaq John taliyaha qaybta Booliiska Gobalka Banaadir, waxayna ka waysay warbixintii ay ka dalbatay.

Turkiga ayaa arinta gaarsiiyay taliyaha booliiska Soomaaliya oo markii dambe ka dalbaday in ay toos ula xiriiraan xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya kadib markii uu u cadeeyay in uusan waxba ka gelin.

Dowladda Turkiga ayaa ugu dambeyn joojisay ciidamo gaaraya 200 oo Askari oo loogu geeyay in ay kamid noqdaan ciidamada cusub oo ay tababarka siin doonaan macalimiinta Turkida ee arimaha ciidamada.  Soo celinta ciidamadaan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii xafiiska Raysal Wasaaraha uu ka jawaabi waayay cabashada Turkiga ee arimaha ciidamada Haramcad.

Turkiga ciidamada uu tababaray wali asaga ayaa gacanta ku haaya waxaana mas’uuliyadda taliyaha loo dhiibo kamid ah in uu mas’uul ka noqdo Qatar kasta oo ay wajahaan ciidamada loo dhiibay. Hadii askari ku dhinto si qaldan ama istiraatiijiyad xumo waxa uu wajahaa ciqaab ciidan iyo ciqaab kale oo aan la sheegin waana  sababta keentay in Sarkaalka turkiga ugu magacaaban ciidamada Haramcad ee awoodiisa hoos loo dhigay uu cabasho u gudbiyo taliyiisa ka sarreeya ahna madaxda tababarada ciidamada Soomaaliya ee dowladda Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this