Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga Oo Shaaciyey Tirada Dadka Cumrada U Tagay Dhulka Barakaysan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Makkah)-Xujaaj tiradoodu ka badan tahay 6.97 million oo qof ayaa u socdaalay dalka Sucuudi Carabiya si ay dhulka barakaysan ugu soo gutaan Cumrada Sanadkan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalka Sucuudi Carabiya ee (Saudi Press Agency, SPA).

image-1.jpg

Warbixintan tirada dadka dhulka barakaysan ee Sucuudi Carabiya ku soo cimraysana ayaa waaxda la socodka Cimrada ee Boqortooyadu waxa ay tilmaantay in Fiisayaal ka badan 7.4 million (7,463,259) visas loo soo saaray xujayda.

Waxaana sidoo kale ay sheegeen in yoolka Mustablaka ee Boqortooyadu ay tahay in marka la gaadho sanadka 2030-ka, Dawladda Sucuudi Carabiya ay baadigoob u gali doonto inay soo dhaweyso in ka badan 30 million oo Xujaaj soo cimraysanaya si loo hubiyo adeegysada suurtagalka ah ee ugu wanaagsan aadka u cajiibka ah, ayaa lagu sheegay warbixinta waaxda la socodka Cumrada.

Hase yeeshee dhulka Soomaalida ayaa sanad kasta ay sii korodhaa dadka xiligan oo kale bisha barakacysan ee Ramadan u cimro taga dhulka Cabarakaysan ee dalka Sucuudi Carabiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this