Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dalalka ay safiirada ka noqon doonaa Camey iyo Cali Shariif oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa lagu wadaa inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa 21-kii March waxay Camey u magacaabeen xil safiir, balse xiligaas lama shaacin dalka uu fariisan doono.

Camey ayaa tagi doona safaaradda Soomaaliya ee Addis-Ababa marka Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Addis Ababa Cali Shariif laga soo aqbalo dalka Mareykanka, oo loo beddelay.

Dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ka abaal-marisay dagaal siyaasadeedkii uu la galay xilligii ay u bahoobeen madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana siisay xilka safiir.

Dhinaca kale, xilka safiirnimo ee Camey ayaa marka lasoo aqbalo la filayaa inay saameyn ku yeelato safiirka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga Jaamac Caydiid oo ay isku heyb yihiin, maadaama Safiirada dibadda ay qeyb ka tahay habka awood qeybsiga ee 4.5.

Wararka ayaa sheegaya in Jaamac Caydiid uu xilka weyn doono, marka Camey uu xilka la wareego, booskiisana la siin doono beel kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this