Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanaag: Somaliland caynkaan u goynay waxay u dhigantaa maalintii calanka la qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muddaharaadyo ballaaran oo lagu taageerayo go’aanka taliyaasha ka soo jeeda bariga gobolka Sanaag ay ciidamadooda ugala baxeen maamulka Somaliland, ayaa maanta ka dhacay guud ahaan degmooyinka ku yaalla bariga gobolkaasi.

Degmooyinka Ceelbuh, Yubbe, Damalla Xagarre, Carmala  iyo Xiingalool ayaa maanta laga dhigay mudaharaadyo lagu taageersanyahay, taliyaasha ka soo jeeda halkaasi ee ciidamadooda kala soo baxay maamulka Somaliland, kadib markii ay ka caroodeen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland oo ahaa in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Muadaharaadka ugu weyn ayaa ka dhacay degmada Xiingalool, halkaasi oo bulshada kala duwan ee ku dhaqan ay waddooyinka buuxiyeen, iyagoo sita cananka Qaranka Soomaaliyeed ee buluugga ah iyo calanka Puntland, islamarkaana ku dhawaaqaya ereyo ay ku taageersan yihiin ciidamada ka soo baxay Somaliland.

Muddaharaadyadan ayaa ku soo beegmay xilli guud ahaan ciidamadii ka soo jeeday degaannadaasi ay xalay isaga soo baxeen Somaliland, kadib markii ay qaadan waayeen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland oo ahaa in ay weerar ku qaadan magaalada Badhan oo ay ku sugan yihiin wefdi ka socda Puntland.

Halkan ka daawo mudaharaadka

PUNTLAND POST

The post Sanaag: Somaliland caynkaan u goynay waxay u dhigantaa maalintii calanka la qaatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this