Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dilalkii Boondheere ka dhacay oo la ogaaday in ay fuliyeen Shabaab ka tirsan wasaaradda amniga DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Alle ha u naxariistee Cali Maxamed oo katirsan Wasaaradda Amniga Soomaaliya islamarkaana la dilay 11-kii bishaan May iyo Cali Hilowle oo loo yaqaano (Cali dheere) islamarkaana ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Boondheere oo la dilay 13-kii bishaan May ay dilkiisa ka dambeeyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka diiwaan gashan Wasaaradda amniga Soomaaliya.

Xubnahan Al-Shabaabka ah ayaa hore uga soo goostay Al-Shabaab dhowr bil oo dhaqan celin ah kadib waxaa laga shaqa geliyay Wasaaradda amniga Soomaaliya waxaana baaritaan la sameeyay lagu qabtay iyagoo ku soo guul dareestay isku day dil ay ka sameeyeen Boondheere 16-kii May, saddex habeen kadib markii ay dileen Marxuum Cali Dheere.

Ragaan Al-Shabaabka ah ee la qabtay ayaa ka tirsanaa Ilaalada dhar-cadka ah ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya, waxayna heesteen Bastoolado Sharciyeeysan iyagoo ka tirsanaa Ciidamada ku qoran xarunta Wasaaradda amniga ee Ex gurigii Maxamed Dheere kuna taalo degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir.

Markii la qabtay xubnahaan ayey la soo baxeyn aqoonsiyo ciidan oo muujinaya in ay ka tirsan yihiin Wasaaradda, waxaana kadib lagu wareejiyay taliyaha ilaalada Wasaaradda amniga Soomaaliya mana jirto ilaa hada wax maxkamad ah oo la soo taagay.

Caasimada Online xogtaan waxaa u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya, laba qof oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda amniga, Sarkaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda amniga ee gobalka Banaadir.

Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo sheegay in ragaan ay mar quro Al-Shabaab ka soo baxeen, dhaqan celin hal goob lagu geliyay islamarkaana halmar lagu wada qoray Wasaaradda amniga islamarkaana ay ahaayeen dad aad isugu dhow oo saaxiibo ah. Aad ayey u adkeyd in ragaan laga shakiyo sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan Wasaaradda amniga Soomaaliya oo yaqaano ragga dilalka ku eedeysan ee la soo qabtay.

Caasimadda Online waxay ilo wareedyo kala duwan ka hubisay xogtaan oo dhamaantood si isku mid ah ugu xaqiijiyay in dilalkii Marxuuminta kala Cali Hilowle iyo Cali Maxamed ay ku fuliyeen rag Al-Shabaab ah oo ka diiwaangashan ciidamada ilaalada ee Wasaaradda amniga Soomaaliya.

Tani waxay cadeyn u tahay in dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho aysan fulin oo kaliya Al-Shabaabka soo galootiga ah balse ay fuliyaan Al-Shabaab kale oo ka tirsan hey’adaha amniga iyo Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Shakigaan waxa uu ahaa mid hore loo qabay iyo hadal hayn balaaran oo ka jirta gobalka Banaadir balse waxay daaha ka qaadisay in qatarta Al-Shabaab halka laga filayo meel aan aheyn ka jirto amni darrada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this