Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Dalka Japan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tokyo)-Gabadh iskuul dhiganaysay iyo nin ayaa lagu dilay intii uu socday weerar uu nin mindi wata ka fuliyey meel u dhow magaalada Tokyo ee dalka Japan, kaasi oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 16 qof oo kale.

F5AA74DE-BFB6-453D-A057-BD3A4F762F53_cx0

Koox gabdho iskuuley ah iyo dad kale ayaa bas ku sugayey magaalada Kawasaki, markii nin labada gacmood mindi ku wata uu ku billaabay inuu la dhaco isaga oo ku qeylinaya “waan idin dilayaa.”

Warbaahinta dowladda Japan ee NHK ayaa sheegtay in ninka la tuhunsan yahay inuu weerarka fuliyey oo ku jira da’diisa 50 maadka uu geeriyooday markii uu qoorta iska geliyey mindida.

Dhibanayaasha ayaa lagu kala sheegay gabadh iskuul dhiganeysay oo 12 jir ah iyo nin 39 jir ah. Saddex ka mid ah dadka dhaawaca uu gaadhay ayaa xaaladdooda ay halis tahay.

Booliiska kama hadlin sababta ka dambeysay weerarka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa u tacsiyeeyey dadka Japan isaga oo ku safraya Markab kuwa dagaalka ah, ka hor inta aanu Japan ka tagin oo aanu soo geba gebeyn booqasho afar maalmood qaadatay oo uu dalkaas ku joogay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this