Deeq A. Posted May 28, 2019 Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ka soo baxay dagmada Afgooye ee gobalka Shabellada hoose kuna soo jeeday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta waxaa qarax lagula beegsaday deegaanka Tareedisho ee duleedka Caasimadda. Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miino oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxa ay haleeshay mid ah gaarigii ay wateen ciidanka dowladda Somaliya, waxaana jira khasaare uu geystay qaraxa. Saraakiil ammaanka qaabilsan oo tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaare soo gaaray ciidankii Qaraxa loo dhigay, waxa ay sheegeen ilaa Saddex askari oo ka ka tirsanaa ciidanka iney dhaawacmeen. Sidoo kale markuu qaraxu dhacay ka dib ciidamada ayaa riday rasaas badan oo aan geysan khasaare, waxayna sii wateen socodkooda Ciidanka Booliska qeybta Miina baarista ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaan ku aadan Qaraxan, waxayna horey u sii qaateen Haraadiga Qaraxa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites