Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo sheegay in uu dilay saddex ka tirsanaa Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in saddex xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay duqeyn diyaaredeed oo ay ka fuliyeen deegaan ku yaalla Puntland.

Weerarkan oo dhacay 26-kii bishan ayaa laga fuliyay dhulka buuraleyda Golis ee gobolka Bari, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi ka dagaalama.

AFRICOM ayaa intaasi ku dartay in howlgalka ay fuliyeen iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana war saxaafadeedka lagu xusay in aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka soo gaaray.

Waa duqeyntii lixaad oo muddo labo bilood gudahooda ay Ciidamada Mareykanka ka geystaan deegaanada Puntland, iyadoo ay Koonfurta ka fuliyeen in ka badan 35 weerar, tan iyo markii uu billowday sanadkan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this