Deeq A. Posted May 28, 2019 Bariire (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaliya saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen Tuulada Balow oo hal KM u jirta deegaankaasi. Ciidamada oo gudaha u galay Tuulada ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen 4 Gaari oo isugu jiray nuuca raaxada iyo kuwa Dadweynaha ee loo yaqaano Hoomeyda. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadu ay horay u soo kaxeysteen illaa lix Qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halkaasi oo la hadlay Shabelle oo ka warbixiyay howlgalkan ayaa sheegay la soo qabtay ay ahaayeen Beeraley, sida uu hadalka u dhigay. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo ku aadan howlgalkaasi. Ciidamada DFS oo dhawaan la wareegay deegaanka Bariire oo muddo ay ka talin jireen Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites