Sign in to follow this  
Deeq A.

ICRC oo ka deyrisay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya xilligan uu wajahayp abaar daran taas oo laga yaabo in ay ka saameyn badato midi ka dhacday 2016 illaa 2017.

ICRC ayaa sababta ku sheegtay in roobabkii guga aysan sanadkan si wanaagsan uga da’in Soomaaliya, oo la filayay bilaha April illaa bisha June ee soo socota.

Dhamaadka sanadkan, in ka badan hal milyan oo caruur ah ayaa laga cabsi qabaa inay wajahaan nafaqa darro, kuwaas oo 175,000 oo ka mid ah ay xaaladooda liidan doonto.

ICRC ayaa hoosta ka xariiqday in haddii aan Soomaaliya helin taageero dibadda ah ay fursadda ku badbaadi karaan caruurtan ay aad u yar tahay.

Waxay kaloo hay’adda carabka ku dhufatay in 1.7 milyan oo qof inay la soo gudboonaan doonto cunto yari, tiradaas oo ku labo jibaaranto midi hore ee 2017.

ICRC ayaa ka howlgasha goobo ku yaalla dalka oo Puntland iyo gobollada dhexe ay ka mid yihiin, meelahaas oo ay ka wado barnaamijyo lagu taageerayo qoysaska tabarta daran.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this