Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareega 8 dhamaadka tartanka Shabelle oo caawa bilabaanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo si hab sami leh uga socdo xarunta dhexe ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa caawa si rasmi ah u bilaabanaya wareega sideed dhamaadka ee tartanka.

Illaa 8 degmo ayaa isugu soo haray wareegan, kuwaas oo kala ah Howlwadaag, Kaxda, Dharkenley, Xamar Jajab, Xamar Weyne, Cabdicasiis, Shibis iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Degmooyinkan ayaa muujiyay karti iyo dadaal dheeraad oo u sahlay in ay u soo gudbaan wareega labaad ee tartanka bisha Ramadaan.

Sidoo kale degmooyinkani ayaa isugu beegmi doona Howlwadaag iyo Bargaan, Kaxda iyo Shibis Dharkenley iyo Cabdcasiis, Xamarweyne iyo Xamarjajab.

Kulanka ugu horreeya ee caawa ayaa waxaa isaga hor imaan doono Howlwadaag iyo deegaanka Bargaan oo ka soo kala baxay Group-yada A iyo C ee tartanka.

Cida badisa labadooda ayaa waxa ay iska sii xaadirin doontaa wareega afar dhamaadka ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Waxaa sanadkan tartanka abaal marin ku bixinaya shirkadaha ganacsiga ee Beco iyo Coca-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this