Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dhul ballaarsiga ay wadaan dalalka dariska

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xilli muddooyinkii dambe si weyn Bulshada Soomaaliyeed isula dhexmarayeen dhaqdhaqaaqyada qaar ka mid ah Dalalka Dariska la ah Somalia ee ka dhanka ah Dhulka Soomaaliyeed ayaa waxaa markii ugu horreysay ka hadlay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Somalia ay leedahay Kheyraad fara badan islamarkaana aysan jirin cid awood ku qaadan karta , sidaas daraadeed  loo baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed aysan han jabin , islamarkaana lahadaan qab sare  iyagoo ku kalsoon Madaxdooda.

Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Africa  halkaas oo dhawaan uu uga soo qeyb galay Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee dalkaas.

Waxaana hadalkiisu ku soo aadayaa iyadoo indhawaanahaan dadka Soomaaliyeed ay isla dhexmarayeen hadal heynta  dhaqdhaqaaqyada Kenya ee ka dhanka ah Barriga iyo Badda Somaliya, iyadoo sidoo kale dhawaan Ethiopia ay iyaduna soo dhigtay Barta Wasaaradeeda Arrimaha Dibadda Mabka Africa oo laga tir tiray Khariidada Somalia walow mar dambe ay Cudur daar ka bixisay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this