Sign in to follow this  
Deeq A.

Macawiisleyda oo Shabaab ka dilay horjooge sare iyo dagaal culus oo dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale (Caasimada Online) – Ciidamada Macawislayda ee ka howl gala Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Macalin Yaasiin, Sidoo kale ay Al-Shabaab kaga soo furteen qoryo iyo rasaastii ay heysteen.

Deegaanka lagu magacaabo Xagarey oo hoos yimaada degmadqa Cadale ayaa waxaa halkaas xarun kula lahaa Al-Shabaab, oo ay weerar ku qaadeen ciidanka Macawislayda sida ay sheegeen dadka deegaan.

“Shalay galinkii danbe abaaro 5:00-kii ayaan weerar gaadmo ah ku qaadnay deegaanka Xagarey oo xarun ah Al-Shabaab waxaana halkaas ku dilnay ninkii u qaabilsanaa Cadale iyo Seddex kale oo la socotay, waxaa isoo suurto gashay in aan kasoo furano quri AK47 AH iyo Rasaas badan, waxaan helnay xog u saabsan in halkaas ku dhibaateen dadka shacabka ah, Allah mahadi dhankeena wax nasoo gaaray majiro”ayuu yiri  Axmed Dhagey oo ah Taliyaha Macawiisleyda.

Macawiisleyda ayaa waxaa garab siiya Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Hirshabeele kuna dhiiro galiya in ay sii wadaan dagaalka kula jiraan Al-Shabaab oo ay marar badan ku dagaalameen deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this