Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Itoobiya Kala Hadashay Khariiraddii Laga Saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Itoobiya kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay website-kooda.

80221D32-918D-4161-80DB-39B0B3E6126F_w10

Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad, ayaa VOA u sheegay in isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay ay xidhiidh la sameeyen Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ay cudur-daar ka siisay Soomaalia khaladka, sidoo kalena ay wadaan baadhitaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday.

Wasiir Cawad ayaa VOA u sheegay inay aqbaleen cudur daarka Ethiopia ay arrintaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin in falkaasi aanu ula kac ahayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this