Sign in to follow this  
Deeq A.

Bilyaneer Ka Mid Ah Qoyska Xukuma Imaaraadka Carabta Oo Iibsaday Kooxda Newcatsle Ee Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Shiikh Khaalid Bin Zayid Alnahyan oo ka mid ah qoyska xukumadda Imaraada Abu-dubai ayaa ogolaaday inuu lacag dhan 445 milyan dollar ku iibsado kooxda Newcastle oo ka mid horyaalka ingiriiska ee premiar Leuga

479-740x417.jpg

Maalqabeenkan bilyaneerka ah ayaa heshiis la saxiixday mulkiilaha kooxda oo lagu magaaabo Mike Ashley. Mudane Ashley oo sidoo kale shirkada iibisa alaabaha ciyaaraha ayaa sheegay inuu muddo doonayay inuu helo ganacsade lacag badan ku iibsada kooxda, kadib markii uu hore u shaaciyay inuu iibinayo kooxda

Shiikh khaled waxay ilmadeer yihiin mulkiilaha kooxda kale Manchester city, shiikh Mansour Bin Zayid Al-nahyan. Shiikh Khaalid waxaa uu hore ugu guuldaraystay inuu 2 bilyan oo dollar ku iibsado kooxda Liverbool sida ay warisay jariidada Daily Mail ee Ingiriiska

Qoysaska xukuma wadamada khaliijka qaarkood ayaa Balaayiin lacag waxay ku iibsadaan kooxaha caanka ah ee qaaradada Yurub. Qoyska xukuma Qadar oo hore u iibsadya kooxda PSG ee Faransiiska ayaa sidoo kale doonayo in la wareegaan saamiyada ugu badan ee kooxda leeds united oo heerka labaad horyaalka ingiriiska ka tirsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this