Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Suuriya Iyo Kuwa Israa’iil Oo Duqeyn Isweydaarsaday Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dimishiq)-Wakaalladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay inuu hal askari ku shahiiday, mid kalena ku dhaawacmay Gantaal ku habsaday gaadhi Millateri oo marayey Deegaanka Tel Al-shaar ee Gobalka Quweytara ee u dhow Buuraha Golan Haytiska.

Duqeyn.jpg

Millateriga Israel waxay ku xaqiiyeen weerarkaasi qoraal ay soo dhigeen Baraha Bulshada, waxayna sheegeen inay duqeyntaasi jawaab-celin u ahayd Ciiddanka Dowladda Syria oo iyagu Gantaalka Lidka Diyaaradaha la gefay Diyaarad Dagaal oo ay Israa’iil lahayd.

Hadalka Israal waxa uu soo baxay, kadib, markii uu Telefishinka Dowladda Syria ee Al-Ekhbaariya sheegay in Hal Askari ku shahiiday, mdi kalena ku dhaawacmay duqeyn ay Israel ku soo qadaeen Gobalka Quneytra ee deriska la ah Buuraha Golan Haytis oo ay Israel xoogga ku haystaan.

Si kastaba ha ahaatee, duqeynta ay Suuriya iyo Israel isweydaarsadeen ayaa ku soo beegantay iyadoo ay xiisado ka taagan tahay colaadda u dhexeysa Dowladaha Iiraan iyo Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this