Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Gabadh Dhalinyaro Ah Oo Xalay Toori Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Gaalkacyo)-Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan xaafadda Garsoor ayaa sheegaya in xalay rag dhalinyaro ah xalay toorey ku dileen mid ka mid ah Gabdhaha ku dhaqan magaalada oo xiligaa sida la sheegay ka soo baxday tukashada Salaada Taraawiixda.

2019528636946048785945175123.jpg


Nimco Cumar Shire ayaa u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay tooray laga galiyay dhuunta, waxaana goobta ka baxsaday raggii weerarka ku soo qaaday gabadha.


Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Gabadha iyo sababta loo dilay, waxaana xusid mudan in horay sidan oo kale Gaalkacyo uga dhaceen falal dil iyo kufsi isugu jira oo lagula kacay hablo aad u da’yar.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac maamulka oo la xiriira dilka gabadha xalay la sheegay in tooreyda lagu weeraray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this