Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo Weerar Afka Ah Ku Qaadday Raysal Wasaaraha Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Hindiya ayaa ah dalka labaad ee ay Muslimiinta ugu badan ku noolyihiin caalamka, balse tirada Musliiminta ah ee ku jira baarlamaanka ayaa aad u yar.

Ilhan-Omar-1022x1024-1022x1024.jpg

Iyada oo Islaam nacaybka uu soo badanayay sanadadii dambe, ayaa waxa jirta cabsi hor leh kaddib markii xukunka dalka ay dib u qabsadeen xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) oo ah mid u janjeera dhanka diinta Hinduuga.

Ilhaan Cumar, oo ah gabadh Soomaali ah ahna xildhibaanadda laga soo doortay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa barteeda Twitter-ka waxay ku sheegtay in Dowladda Mareykanka laga doonayo inay wax ka qabato xad gudubyada dhinaca diinta ee ka jira dalkaas.

“Sharciga Ra’iisulwasaare Modi ee Hindiya wuxuu ku raacayaa faafinta rabshadaha ay wadaan Hindida iyo Islaam nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, Dowladda Mareykanka waxaa looga baahanyahay inay u istaagto sidii dalka Hindiya looga hirgelin lahaa xoriyad dhanka diinta ah si dadka laga tirada badanyahay loola dhaqmo si cadaalad ah.” Ayey barteeda Twitter-ka ku soo qortay Ilhaan Cumar.

Dadka ku nool Madhubani, oo ah gobol ka tirsan bariga Bihar, ayaa waxa isugu soo baxay shaqaalaha, ganacsatada deegaanka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha shacabka waxayna dhammaantood isugu tageen si ay ugu codeeyaan Shakeel Ahmad.

Mr Ahmad, oo ah 63 sano jir ayaa ahaa xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka. Balse bishii Abriil markii uu xisbiga ku wargeliyay inaysan u ogoloyn inuu musharax ka noqdo Madhubani, waxa uu sameeyey arrin aan horay loo arag.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this