Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye Cali Aadan Muumin oo Muqdisho lagu xiray iyo sababta ka dambeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu xiray Xarunta dambi baarista CID, kaddib markii looga yeeray.

Cali Aadan Muumin ayaa shalay la soo gaarsiiyay warqad looga dalbanayo inuu xarunta yimaado, waxaana markii uu saaka xarunta CID tagay lagu wargeliyay inuu dacweysan yahay oo uu xiran yahay.

Wararka ayaa sheegaya in laga qaaday Taleefanadii gacanta uu watay, waxaana inta aan laga qaadin Taleefanada uu la xiriiray warbaahinta uu ka tirsanaa, kuna wargeliyay inuu xiran yahay.

Cali Aadan ayaa sheegay in dacwad ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, lama oga nooca dacwadaas tahay, ha yeeshee waxaa maalmihii u dambeeyay Wasaaradda la kulmeysay dhaleeceyn kala duwan oo ku aadan Imtixaankii fashilmay iyo qishkii Imtixaanaadka oo suuqa galay.

Wariye Cali Aadan ayaa ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan ee wax ku qora baraha bulshada, sida Facebook oo ku soo qora dhacdooyinka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Sida illo xog ogaal ah ay u sheegeyn Caasimadda Online, Wasaaradda Waxbarashada ayaa kusoo oogtay Cali qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo u qornaa sidaan

kkkk-1.jpg

Waxaa la yaab noqotay oo wax  si qaban la’ ah in Waqtiga uu Cali soo dhigay qoraalkaas bartiisa Facebook oo aheyd 26 Bishaan iyo waqtiga la qoray waraaqda dacwada ee CID ay kala dambeeyaan hal maalin, maadaama Waraaqdaas dacwadda ay soo baxday 25 Bishaan taasoo shaki weyn gelisay in ujeed kale oo dadban laga leeyahay Xariga Wariye Cali.

61624046_2153738424749466_80240844490271

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’adda Dambi baarista dowladda oo fulisay xarigga wariyahan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this