Sign in to follow this  
Deeq A.

Galkacyo: Faah-faahinta Gabar Toorey Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsan dadka deganaa magaalada Galkacyo ee xarunta Mudug ayaa la sheegayaa in xalay ay koox ku weerareen Toorey kadibna ay halkaasi ku dileen.

Nimco Cumar Shire waxaa lagu dilay xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana aad uga naxay shacabka deegaanka.

Gabadhan ayaa waxaa ay wararku ku darayaan in xilliga la dilayey ay ka soo baxday masjidka, soona dukatay salaadda Tarawiixda. Waxaa ay Toorey uga dhugteen dhuunta, tiiyoo keentay iney dhiig bax u dhimato. Kooxdiina waa isaga baxsadeen goobta.

Sida uu ku warramayo, weriyaha Goobjoog News ee Galkacyo, inkasta oo baarid ay socoto hadana waxaa loo shakiyey koox burcad ah, kuwaas oo mar weliba magaalada ka geysta falal noocaas ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this