Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriye Ka Tirsan Goobjoog Oo Lagu Xiray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Weriye Cali Muumin oo ka kirsan warbaahinta Goobjoog Media Group ayaa saaka lagu xiray xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Saacado ka hor xarigiisa waxaa soo gaartay warqad looga yeerayo goobtaas, laakin markii uu tagay ayaa lagu wargeliyey inuu xarig yahay.

In kasta oo hey’adda qabatay weriyaha aaney sababta xariga la wadaagin warbaahinta uu u shaqeeyo hadana wararka qaar ayaa sheegaya in lagu heysto qoraal imtixaannada la xiriira uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Ehellada weriye Cali oo xabsiga ku booqdey ayaa sheegaya in loo sheegay in ay soo dacweysay wasaaradda waxbarashada JF, isla markaana maxkamad la soo taagi-doonno arbacada.

Goobjoog Media Group waxaa ay ka walaacsan xaaladda weriyaha, waxaa ay codsaneysaa in hey’adda CID-da ay la wadaagto sababta rasmiga ah ee loo xiray, waxaa ayna sidoo kale dalbaneysaa sii-deyntiisa.

Goobjoog News

cali.jpg

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this