Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo Guddoomiyay kulan looga Hadlay Amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga caasimadda oo lagu qabtay taliska qaybta guud ee Booliiska gobalka Banaadir.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen wasiirka amniga gudaha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaasha ciidanka iyo khuburo amni ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta iyo ka mira dhalinta qorshaha sugidda amniga dalka gaar ahaan amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin iyo talooyin ka dhagaystay khuburada loo xil saaray aruurinta xogaha amni ee ay soo gudbiyaan laamaha amniga, waxa uuna ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan badbaadina nafta iyo hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Hay’adaha amniga ayuu Ra’iisul wasaaruhu kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan xasilinta caasimadda si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

1559025210036_2 1559025213793_1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this