Deeq A. Posted May 28, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay Gaalkacyo loogu geystay Naciimo Cumar Shire oo ka mid aheyd dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi. Kooxo ku hebeysnaa Tooreeyo ayaa la sheegay in dilkaasi ay u geysteen Marxuumadda oo 22 jir aheyd , xilli ay ka soo baxday Salaada Taraawiixda. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Balse ma jirto illaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilkaasi oo ka dhacay xaafadda Garsoor waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites