Deeq A. Posted May 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in saacadihii la soo dhaafay aY gacanta ku dhigtay xubin ka tirsan Al Shabaab. War ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninkaasi laga soo qabtay degmada Yaaqshiid, kadib howlgal ay ka sameeyeen Ciidanka ammaanka Soomaaliya. Taliska nabad sugidu ma shaacin magaca shaqsigaasi iyo waxa uu u qaabilsanaa dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. “Howlgal ciidmada amnigu ka fuliyeen Deg. Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab,Ciidanka amniga ayaa laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan warka ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda ayaa xoojiyay sugida amniga, si looga hortago falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites