Sign in to follow this  
Deeq A.

C/rashiid Xidig “Qorshihii la doonayay in laygu dilo Madaxtooyada Jubbaland ayaa abaabushay” Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Musharixiinta Jubbaland ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay qarax dhawaan laga soo saaray meel ku dhow Hooyga uu ka degen yahay magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xogta qaraxa ay hayeen maalmo ka hor, islamarkaana ay ka hor tageen, balse wuxuu masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ku eedeeyay inay ka dambeeyeen.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Jubbaland in laga soo abaabulay qorshe la doonayay in lagu dilo isaga, wuxuuna si gaar ah ugu eedeeyay masuuliyiinta amaanka ee madaxtooyada Jubbaland.

Sigaar ah taliyaha Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Jubbaland oo lagu Magacaabo Yaxbul,  ayuu sheegay in gaari uu ku qaatay miinada taasina ay shaki gelisay, waxaana uu sheegay in qorshahaas uu ahaa shirqool la doonayay in lagu dilo.

Waxaa jira walaac badan oo musharixiinta Jubbaland ay ka qabaan dhanka amaanka iyo hanaanka madaxweynaha jubbalan u qorsheynayo inay u dhacdo xulashada baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha.

Ugu dambeyn Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya, tan Jubbaland iyo saraakiisha AMISOM ayuu ka dalbaday inay falkaasi ku sameeyaan baaris deg deg ah,isla markaana aan leyskaga hari doonin,sidoo kalena uu soo bandhigi doono cadeymo dheeraad ah.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Xidig.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Xildhibaan-Cabdi-Rashiid-xidig.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this