Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa gudaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqeyn diyaaradeed ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ayey ku sheegeen in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya Axaddii todobaadkan laga fuliyay buuraleyda Golis ee gobolka Bari.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi aysan wax khasaara u geysan dadka rayidka ah ee ku nool degaannada lagu beegsaday malayshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi ahayd tii lixaad ee laga fuliyo buuraleyda gobolka Bari ee Puntland tan iyo 14-kii April ee sannadkan  xilligaasi oo Maraykanku sheegay in uu duqeyn ku khaarajiyay ku xigeenkii hoggaaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this