Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo kumanaan dollar dul-saaratay xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay shirkadaha qaadaya Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan soo gudanaya Acmaasha xajka, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Dowladda ay dul-saaratay kumanaan lacag ah qarashka laga qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed.

Halkii qof ee ka baxaya Soomaaliya ee u socda Xajka ayaa laga qaadayaa lacag dhan 3600$ waxaana la sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qofkii saaratay lacag dhan 10$ islamarkaana ay taasi qayb ka aheyd heshiiskii lala galay Shirkadaha duulimaadka ee ku soo baxay tartankii Xejka loo galay.

Sanadkaan waxaa soo xajin doona dadka gaaraya 11,500 oo qof, waxaana la sheegay in ay dowladda ka heli doonto lacag ka badan 115,000$ oo dollar.

Barnaamijkaan waxaa mas’uul looga dhigay Guddi Culumo ah oo ay magacaawday Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale tartanka u qabtay shirkadihii ku guuleestay qaadista xujeyda Soomaaliyeed.

Lacagta 10-ka dollar ah ee qofkiiba ay ka heleyso dowladda, waxaa sidoo kale dheer in Shirkadaha qaar ay dowladda Soomaaliya la gashay heshiiyo kale oo lacageed kuwaas oo suurta geliyey in ay ku soo baxaan tartanka qaadista xujeyda Soomaaliyeed.

Arintaan waxaa noo xaqiijiyay madax ka tirsan Shirkadaha qabanaya shaqadaan iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya. Waa nuuc kamid ah Musuq maasuqa ka jira Xafiisyada Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this