Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka been sheegtay maxaabiis is-weydaarsiga Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Isniinta maanta sheegay in uu cafis u fidiyay, maxaabiis Puntland looga qabtay dagaalkii Tukaraq oo ku xiran magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi.

Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland , Maxamuud Warsame Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyay 14 maxbuus oo Puntland looga qabtay dagaalkii Tukaraq, isagoo xeerinaya nabadgelyada labada dhinac iyo fadliga bisha barakaysan ee Ramadan.

Hadalka af-hayeenka ayaa ku soo beegmay, iyadoo maalintii shalay warbaahinta Puntland Post daabacday in labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ay saxiixeen, heshiis maxaabiis is-weydaarsi oo ay fududaysay hay’adda Laanqeynta cas (ICRC).

Haddaba,  maamulka Somaliland ee ka taliya gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya, ayaa ku dhiirran-waayay in uu soo bandhigo heshiiska, isagoo doorbiday in uu cafis aan jirin isku maaweeliyo, si uu qiil ugu sameeyo heshiiskaasi maxaabiis isweydaarsiga.

Puntland ayaa dagaalkii Tukaraq ku qabatay, 19 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo uu ku jiray sarkaal sare, kuwaasi oo badankooda laga qabtay ciidanka uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe oo ah nin u dhashay gobolka Sool.

Ha’yeeshee, Puntland ayaa bishii Febraayo ee sannadkan sii daysay 16 kamid ah maxaabiistaasi oo ka soo jeeday gobolada SSC, kadib markii dhaqan-celin loo sameeyay, waxaana hadda gacanta Puntland ku harsan 3 maxbuus oo u dhashay gobolada waqooyi galbeed.

Maxaabiista Puntland hayso waxaa ku jira ku xigeenkii taliyaha ciidamada Somaliland ee aagga Tukaraq oo lagu qabtay dagaal ka dhacay degaanka Tukaraq 24-kii bishii Maarso 2018.

Sidoo kale, Somaliland ayaa dagaalkii Tukaraq ku qabatay 14 maxbuus oo ka tirsan ciidamada Puntland, balse ma jirin hal ruux oo laga siidaayay maxaabiista Somaliland qabatay, waana kuwa hadda la soo wareejin doonto.

Sida ku xusan heshiiska maxaabiis is-weydaarsiga ee dhexmaray Puntland iyo Somaliland, waxaa labada dhinac maxaabiista is-weydaarsan doonaan 3 bisha June ee soo socota.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Somaliland

dd.jpg?w=1000&ssl=1Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka oo ka jawaabi waayay su’aalo laga weydiiyay shirkiisa jaraa’id

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ka been sheegtay maxaabiis is-weydaarsiga Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this