Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada maxaabiistii Puntland looga qabsaday dagaalka Takuraq ee cafiska loo fidiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa cafis loo fidiyey illaa 14 kamid ah Maxaabiistii ay Maamulka Somaliland ku qabteen Dagaalkii Takuraq ee kala dhaxeeyey Maamulka Puntland.

Muuse Biixi Cabdi oo ah Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu cafis u fidiyey illaa 14 Maxbuus oo Puntland looga qabtay Dagaalkii Takuraq ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray War  saxaafadeed loona akhriyey Warbaahinta ayaa lagu sheegay in sababta loo sii daayey ay tahay maxaabiistaas labo arrin oo kala ah inay Somaliland diyaar u tahay mar kasta nabadda iyo Fadliga ay leedahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in arrintaan ay daba socoto hadalkii uu Madaxweyne Muuse Biixi dhawaan ka sheegay xafladdii sanad guurada 18 May ee gooni isu-taaga Soomaaliland.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Magacyada Maxaabiista lasii daayey:

1: Cabdi Naasir Cismaan Cali

2: Cabdi Nuur Maxamed Cabdulle.

3:  Maxamed Saciid Yuusuf

4:  Cali Faarax Aadan

5:  Maxamed Cabdi ceynab

6:  Cabdi Xaafid Cabdullaahi Xalane

7:  Xuseen Siciid Warsame

8:  Cabdi Naasir Maxamed Nuur

9:  Maxamed Abshir Aadan

10:  Ibraahim Xasan Salaad

11:  Axmed Maxamed Axmed

12:  Siciid Ducaale Cali

13:  Mahad Nuur Cali

14:  Faarax Maxamed Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this