Deeq A. Posted May 27, 2019 Hargeysa (SMN) – Mdaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fiday 14 Akari oo ka tirsan Ciidamada Puntland oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Afhayeenka Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in uu madaxweyne Biixi u cafiyay Maxaabiistaasi fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay qeyb ka tahay mid ay Somaliland ku dooneyso in lagu wada noolaado nabad iyo daris wanaag. S/land iyo Puntland waxaa ka dhex jira khilaaf dhinaca Sohdinta ah, waxaana marar badan ay ku dagaalameen gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites