Deeq A. Posted May 27, 2019 Muqdisho (SMN) – Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya meel aad u xiiso badan ayaa waxaa caawa ku baratami doona degmooyinka Cabdicasiis iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Degmooyinkan ayaa horay guulo uga soo gaaray tartamadii hore, kadib markii ay la yimaadeen dar dar xoogan. Cabdicasiis iyo Afgooye degmada guuleysta waxa ay iska xaadirin doontaa wareega 8 dhamaadka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha kala matalaya labada degmo waxa ay haatan u diyaar garoobayaan ka qeyb galka barnaamijka caawa. Tartanka xiisaha badan ee Shabeelle waxaa si muuqaal ah uga daawan kartaa Boggeena Facebook ee Shabelle Media Network. Sanadkan waxaa tartanka abaal marin ku bixinaya shirkadaha ganacsiga Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondry School. View the full article Share this post Link to post Share on other sites