Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodax “Waxaan heysanaa awood aan saacad kasta ku joojin karno Baraha Bulshada”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa cadeeyay sababaha loo joojin waayay Isticmaalka Baraha Bulshada maadaama dhawaan markii uu Imtixaankii hore fashilmay uu sheegay in dhamaan Baraha Bulshada isticmaalkooda la joojin doono.

Wasiirka waxa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo laamaha amniga ay awood buuxda saareen in markale uusan fashil ku imaan Imtixaanka,hayeeshee ay warqad u gudbiyeen maxkamada sare taas oo ku aadan in hadii ay Qatar dareemaan la joojinayo Isticmaalka Baraha Bulshada.

“Wasaaradda waxay Maxkamada sare ee wadanka u qoratay arji ay ku codsaneyso Social media-yaha in la xakameeyo watqiga Imtixaanka hadii baahi timaado, waa hadey baahi timaado, kalmadu waaa hadey baahi timaado, Maxkamada xukunkaasi wey noo riday mahad haka gaadho maxkamada iyo Garyaqaanka Guud oo dowladda ku metelay dacwadaas” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Mr. Goodax ayaa tilmaamay inay haatan heystaan awood ay saacad kasta Baraha Bulshada ku joojin karaan, isagoo tilmaamay in aysan maanta arag sabab ay u joojiyaan, isagoo ku hanjabay inay xirayaan xilliga ugu horeeya ee ay arkaan wax khatar ah.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadaal hadii la sameeyo in ugu dambeyn gacan aamin ah ay wax walba kusoo dhacayaan,waxaana uu sheegay in Magaalooyinka uu Imtixaanka ka socdo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

In ka badan 31 Kun oo Arday  ayaa sanadkaan u fariistay Maanta Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyda Sare oo ah mid ku celis ah,kadib markii dhawaan uu fashilmay imtixaanka ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada laguna arkay maadooyin ka mid ah Baraha Bulshada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this