Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Tababarre U Dhashay Ghana U Magacaabay Macallinka Goolhayaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa tababarre  Jerryagyei Asare u magacaabay macallinka goolhayaasha xulka qaranka, wuxuuna noqonayaa layliyaha  saddexaad ee kasoo  jeeda dalka Ghana ee ka qeyb qaadanaya mashruuca horomarinta ciyaartooyda xulka wuxuuna Jerry sheegay in uu ku faraxsanyahay ka shaqeynta dalka.

Sequence-15.00_02_55_22.Still007-300x225

Tababarayaasha kala ah Xasan Faarax Axmed iyo CabdiWali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ay si wadajir u shaqeeyaan tababaraha reer Ghana ayaa inoo sheegay in madaxda xiriirka hadii xitaa ay keenaan kuwa kale oo macallimiin ah aysan u arkin dhib maadaam hadafka loo socod uu yahay horomarinta goolhayaasha dalka iyo in labada dhinac ay qibrad ahaan kala faa’deestaan.

Sequence-15.00_02_55_22.Still001-300x225

Waxaan ku faraxsanahay in uu halkan joogo macalinkayga Bashir Hayfod oo isna ka qeyb qaadanay dhisidda ciyaaryahanda xulka Soomaaliya,yoolkeenaa waa in aan juhdi ku bixinaa kubbadda cagta Soomaaliya ayuu yiri macallin Jerry u sheegay,isagoou waramay Gooboog.

Sequence-15.00_02_55_22.Still006-300x225

Goolhayaasha ka faaideesanaya casharada ay bixinayaan macallimiinta is kaashanaya ayaa inoo waramay,iyagoo inooga warbixiyay wixii la baray iyo wax iminka iska badalay iyo sida ay u arkaan tababarahan kasoo jeeda wadanka Ghana.

Sequence-15.00_02_55_22.Still002-300x225

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Magaacibada Macallinka Goolhayaasha Soomaaliya

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this