Deeq A. Posted May 27, 2019 Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in Khariiradda Africa oo lagu ku daray Soomaaliya dalka Ethiopia lagu daabacay Websitekeeda. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inay ka saartay Khariiraddaas Websiteka wasaaradda markii ay ogaatay kuna tilmaantay mid qalddan oo aan la aqbali karin. Khariiradda ayaa masaxeysa Soomaaliya laakiin muujineysa maamulka Somaliland. Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia laguma sharraxin sida Khariiradda ay uga soo muuqatay Websitekeeda , laakiin waxaa lagu yiri: “Fadlan la socda in kooxdeenna ICT inay ka shaqeyneyso xaqiijinta aamminaadda Websiteka. Waxaan ka qoomameyneynaa jahwareer kasta iyo qilaaf dhacdadaan laga yaabo inay sababtay.” Khariiraddaan ayaa sababtay in Soomaali badan oo isticmaasha baraha bulshada ay aad uga caroodaan iyadoo qaarkood ay sheegayeen inay arrintani qeyb ka tahay qorshaha isballaarinta ah ee Ethiopia kaasoo ay ku dooneyso inay kula wareegto dalkooda. The Star. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites