Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo Askari ku dilay degmada Wadajir

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadajir (SMN) – Wararka laga helayo degmadaWadajir ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ay ku dileen xaafada Kaawo-Goddey ee degmadaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo kaabiyay Madaxay, waxaana la sheegay in Raggii dilay ay goobta isaga baxasadeen.

Goobjooge la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay, sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen  Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Lama oga sababta dhabta ah ee loo beegsaday Askarigaasi, balse dilkiisa ayaa qeyb ka noqonaya falal amni darii ee mararka qaar ka dhaca M/Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this