Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuhuudda Jarmalka Oo Looga Digay Xidhashada Koofida Ay Caanka Ku Yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berlin)-Ninka dowladda Jarmalka u qaabilsan ka hortagga Yuhuud naceybka ayaa dadkaasi ugu baaqay in aanay fagaarayaasha ku xidhan koofida yar ee ay caanka ku yihiin.

107118398_50292b50-b8db-48c6-9e3c-ece0be

Felix Klein ayaa ka digay in xirashada koofida loo yaqaan kippa ay Yuhuudda dhibaato kala kulmi karaan marka ay joogaan qeybo kamid ah dalka Jarmalka, maadaama uu kordhay naceybka loo qabo.

Hadalkaasi ayaa ka caraysiiyay madaxweynaha Israa’iil, Reuven Rivlin, kaasoo sheegay inuu ka dhigan yahay “qirasho ah in markale aanay Yuhuudda ammaan ku haysan dhulka Jarmalka”.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in sanadkii hore ay boqolkiiba 10 sare u kaceen dembiyada la xidhiidha Yuhuud naceybka.

Waxa ay sheegtay in sanadkii 2018 la diiwaangeliyay 62 falal gacan ka hadal watay oo lala beegsaday Yuhuudda, halka tirada weerarradaasi ee sanadkii 2017 ay ahaayeen 37 oo keliya.

Wasiirka caddaalada Katarina Barley ayaa sheegtay in sare u kaca Yuhuud naceybka ay “ceeb ku tahay dalkeeda”.

Internet-ka gaar ahaa baraha ay bulshada kuwada xidhiidho ayaa la sheegay inay qeyb ka qaataan hurinta Yuhuud naceybka.

Maxaa sare u qaaday Yuhuud naceybka?
Ururada Yuhuudda ayaa ka digay in kooxaha iyo axsaabta midig fog ay ka dambeeyaan Yuhuud naceynka iyo cunfiga ka dhanka ah dadka laga tirada badan yahay ee ku nool Yurub.

Tan iyo 2017, xisbiga midig fog ee Alternative for Germany (AfD) ayaa ahaa kan ugu weyn mucaaradka Jarmalka. Xisbigaasi ayaa si cad u diiddan muhaajiriinta, balse waxa uu qeyb ahaan beeniyaa inuu neceb yahay Yuhuudda.

Haseyeeshee waxaa si weyn loo dhaliilay hadallo dhowr ah oo ay sheegeen siyaasiyiin ka tirsan xisbigaasi, kuwaasoo loo arkayay inay wax u dhimayaan Yuhuudda.

Ra’iyi ururin la sameeyay sanadkii hore, ayaa kumannaan Yuhuudda Yurub ah waxa ay ku sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin naceybka ay kala kulmayaan qaaraddaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this