Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulafada Madaxweynaha Kenya Oo Ku Baaqay In Uu Is Casilo Madaxweyne Ku Xigeenka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Xubno xulafo la ah madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa raba in uu is casilo madaxweyne ku xigeenka dalkaas William Ruto.

a33aa144-8651-48f7-9882-ad7c9415b771.jpg

Arrintaas ayay ku sababeeyeen in uu billaabay ol’ole wakhtigiisii laga soo hormariyay oo uu ku doonayo in uu ku badalo madaxweynaha marka la gaaro doorashada 2020, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Xildhibaannada ayaa Ruto ku eedeeyay in uu si joogto ah u qabto isu soo baxyo siyaasadeed isla markaasna uu jahwareerinayo afartii qorshe ee waawaynayd ee uu dajiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta, Afartaas oo kala ah Guryo iyo caafimaad la awoodi karo, damaanad cunto iyo warshado, sida uu ku warramay wargayska gaarka loo leeyahay ee The Standard.

Wargeyska kale ee The Star ayaa sheegay in xildhibaannadu ay uga digeen Ruto in uusan booqanin deegaanka uu madaxweynuhu ka soo jeedo ee Kiambu, haddii uu rabo in uu booqdana uu u raaco Uhuru.

Labada xilli ee uu xilka qaban karo Kenyatta ayaa ku eg 2020, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in laga yaabo in uu isku dayo in isbadal ku sameeyo dastuurka, si uu u noqdo Ra’iisulwasaare awood badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this