Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Reer Somaliland Ah Oo Noqday Soomaaligii Ugu Horreeyey Ee Loo Doorto Baarlamaanka Yurub.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sheggield)-Duqii hore magaalada Sheffield ee dalka Britain Maajid Cali Maxamuud oo ah wiil Soomaali ah ayaa loo doortay baarlamaanka Midawga Yurub.

60882036_1361454820664440_38839378992756

Maajid Cali Maxamuud ayaa hore taariikh u sameeyay markii uu noqday maayirkii magaalo ee u horreeyay ee xisbiga Green Party uu ku yeesho magaalada Sheffield, wuxuuna sidoo kale wakhtigaas noqday duqii magaaalo ee ugu da’da yaraa.

Maajid ayaa Ingiriiska tagay isagoo shan sano jira ka dib markii isaga iyo qoyskiisu ay ka qaxeen magaalada Burco.


Saxaafadda ayaa aad u soo hadal qaaday sannadkii hore ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu Trump ka mamnuucay magaalada uu duqa magaalada ka ahaa.

Maajid Cali Maxamuud, ayaa asal ahaan ka soo jeeda degmada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this