Sign in to follow this  
Deeq A.

Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo maanta bilaabanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Arday tiro ahaan gaareysa 45 kun ayaa maanta u fariisan doonta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyadda Sare guud ahaan Dalka, marka laga reebo gobollada Puntland iyo kuwa dhaca Waqooyiga Soomaaliya ee maamulka Somaliland.

Imtixaankan oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya ayaa diyaar garowgiisu ka duwan yahay Imtixaanadii horey loo qaadi jiray, maadama uu mar ku yimid hakad, kadib markii ay Wasaaraddu ku joojisay go’aan loogu turayo mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed.

Wasiir u Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa Ardayda kula dardaarmay in ay raacaan fariimaha Wasaaradda ee ku saleysan Imtixaanka ay galayaan.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa qoraal uu soo dhigay xalay Saqdii dhexe bartiisa Facebooka uga hadlay waraaqo been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

“Waxaan halkan uga cadaynaya’ guud ahaan ardayda Soomaaliyeed’ in aysan jirin wax waraaq ama qisha ah oo banaanka u baxay imtixaanku sidii loogu talagaley buu u socdaa inshallah waxaan rajayneynaa in uu guul ku soo dhamaan doono” ayuu yiri Wasiir Goodax.

DFS ayaa dhawaan Imtixaanadkii fashilmay ka qaadatay Go,aan Taariikhi ah, waxaana gabi ahaan ay joojisay Imtixaankaasi oo maanta dib loo galayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this