Sign in to follow this  
Deeq A.

Ethiopia “Si khaldan ayaa loo baahiyay Khariiradda Africa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia waxay sheegtay in si “khaldan oo aan la aqbali karin boggeeda loogu daabacay sawirka khariiradda Afrika” oo muujinaya Soomaaliya iyo Ethiopia oo la isku daray.

Waxay sheegtay inay markiiba ka saareen sawirkaas. Kooxda farsamada IT-ga ayaa baareysa ayey sii raacisay wasaaraddu.

“Waxaanu ka shaleyneynaa jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” ayey wasaaraddu warkeeda ku soo gabagabeysay.

Arintaan ayaa dood adag ka abuurtay baraha bulshada, oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u hadal hayaan tallaabada ay qaadey wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka xiriirka wanaagsan xilligan kala dhaxeeyo DFS, waxaana dalka ka jooga Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this