Deeq A. Posted May 27, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle isaga hor yimid degmooyinka waa weyn ee Shibis iyo Waabari ee Gobolka Banaadir. Labada degmmo ayaa ku wada jiray Group-ka C is araga saddeexaad wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Shibis oo guusha la hoyatay ayaa waxa ay heshay 14 buundo, halka degmada Waabari oo laga adkaaday iyana ay la timid 6 dhibcood Caawa tartan aqooneeedka Shabelle waxaa ku ballansan degmooyinka Cabdicasiis iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Degmada badisa waxa ay u gudbi doontaa wareega sideed dhammaadka ee tartanka bisha Ramadaan. Sanadkan waxaa barnaamijka tartan aqooneedka Idaacadda Shabelle taaba gelinaya shirkadaha Beco iyo Coca-Cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites