Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo burcad ah oo lagu qabtay Warta Nabadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ku soo qab qateen illaa saddex burcad ah oo la sheegay in ay dhac ka geysanayeen degmadaasi.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed oo qoraal soo dhigtay baraheeda bulshada ayaa boggaadisay Ciidankii fuliyay howlgallkaasi.

Sidoo kale waxa ay ammaan u jeedisay shacabka ku dhaqan degmada Warta Nabadda oo ay tilmaamtay in ay ku soo war galiyeen xogta raggaasi.

Muddooyinkii dambe waxa ay Ciidamada Boolisku xoojiyeen ammaanka Muqdisho, si ay uga hortagaan falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca Caasimadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this