Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan warbaahinta Al Shabaab oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Casimada Online)-Ciidamada amaanka dowladda ayaa baaritaano ka wada xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, waxaana baaritaanadaasi lagu qabtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida masuuliyiinta amaanka ay sheegeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in baaritaanka ciidamada amaanka ay sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Kaxda ay kusoo qabteen labo ruux oo la shaqeynayay warbaahinta Al Shabaab.

Guddoomiye Yariisow ma uusan sheegin magacyada labada ruux uu sheegay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, laakiin wuxuu sheegay in laga qabtay masaajid ku yaala degmada Kaxda, kadib markii laamaha amaanka ay xog ka heleen shacabka degmada.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay booqasho ay ku tageen xarunta ciidamada Booliska ee laga hago nambarka gaaban ee (991) oo loo diyaariyay in shacabka ay kala xiriiraan ciidamada Booliska.

“Caawa mar aan booqanay xarunta 991 ee Booliiska waxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay nabad-diid farabadan oo shacabka waxyeelo u geysan lahaa”.

“Labo dhagarqabe oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynayey laga soo qabtay halkaas”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow oo qoraalkaasi soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook.

Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay baaritaano dheeri ah ka sameynayay xaafadaha kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this