Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo u jawaabtay Xidig “Laamaha amniga ayuu u gafay Miinada lasoo saarayna….”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa jawaab ka bixiyay hadal kasoo baxay musharax Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig, oo horey u eedeeyay masuuliyiinta amaanka iyo madaxda Jubbaland.

Maalmo ka hor ciidamo ka tirsan ilaalada Xildhibaan Xidig ayaa guriga ay degen yihiin meel ku dhow kasoo saaray miino lagu aasay, waxaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen masuuliyiin iyo laamaha amaanka ee Jubbaland.

Xildhibaan Xidig ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen dad xildoon ah kana tirsan Maamulka Jubbaland iyo laamaha amniga, waxaana arintaasi ka jawaabay laamaha amaanka ee Jubbaland.

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Korneel Maxamed Naasir Guuleed, ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland ay soo qabteen Miino lagu aasay Xaafada Farjano taas oo la doonayay in Shacabka lagu dhibaateeyo.

Taliyaha qeybta Booliska ayaa sheegay in Musharax Xidig uu u gefay laamaha Amniga, isla markaana aan waxba ka jirin hadalkii uu horay u sheegay ee ahaa in qaraxaasi lagu aasay meel u dhow Hooygiisa.

Waxaa jirta cabasho badan oo maamulka Jubbaland laga muujinayo gaar ahaan dhanka amaanka, taasi oo keentay in xildhibaan Xidig uu ku eedeeyo laamaha amaanka inay ka dambeeyeen qarax laga soo saaray meel ku dhow Gurigiisa.

Dhawaan waxaa deegaanada maamulka Jubbaland waxaa ka dhaceya doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo xildhibaanada baarlamaanka, iyadoo musharixiinta qaar ay walaac ka muujinayaan hanaanka iyo qorshaha doorashooyinka loo wado.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this