Sign in to follow this  
Deeq A.

Imtixaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii labaad suuqa lagu kala iibsanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan maalinta berriya mar kale  loo fariisan doono ayaa caawo suuqa galay waxaana lagu kala iibsanayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dad kala duwan oo ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in caawo guryo ku yaalla gudaha magaalada lagu kala iibsanayo maadooyinka imtixaanka ku celiska ah ee maalinta berriya loo fariisan doono.

Anigu caawo waxaan arkay maadooyinka Chemistry iyo Physics oo qol noo dhow lagu kala gadanayo maadooyin kalena waa la sheeg-sheegayey waxaanse la yaabay halka laga soo qufayo waxaan” ayuu yiri qof ku sugan koonfurta Gaalkacyo.

Sidoo kale mid kamid ah ardayda soo iibsaday imtixaanka ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in uu soo gatay maaddooyinka Chemistry iyo Biology isagoo tilmaamay in uu tegayo guri loogu tilmaamay maaddooyin kale in ay yaallan si uu u soo gato.

Ardaygan ayaa sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay diyaarinta imtixaanka uuna si fiican maddooyinka u soo akhristay balse haddii ardayda lamidka ah gadanayso ay khasab ku tahay in uu iibsado si aan looga buundo fiicnaan.

Dhinaca kale Warbaahinta Puntland Post ayaa heshay maddooyinka ugu horreeya imtixaanka ee Tarbiyadda iyo Af-Soomaaliga oo ay weheliso maadada chemistry kadib markii suuqa la soo geliyay

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qishkan la sheegayo in uu baxay iyadoo hore imtixaanka loo joojiyay kadib markii uu qishkan oo kale baxay.

Halkaan hoose ka eeg maaddooyinka

FASHIL.jpg?w=1000&ssl=1 11-3.jpg?w=1000&ssl=1 22-1.jpg?w=1000&ssl=1 33.jpg?w=1000&ssl=1 55.jpg?w=1000&ssl=1 55-1.jpg?w=1000&ssl=1 66.jpg?w=1000&ssl=1 77.jpg?w=1000&ssl=1 88.jpg?w=1000&ssl=1 99.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Imtixaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii labaad suuqa lagu kala iibsanayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this