Sign in to follow this  
Deeq A.

Raadraaca Sooyaalka 18-ka May! Qaybtii 4-aad

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Raadraaca Sooyaalka 18-ka May!

Qaybtii 4-aad

“29-kii Juun 1960 xubnihii barlamaanka ee la doortay iyo dhammaan siyaasiyiintii waxa aannu isku shubnay Muqdisho, annaga oo diyaarad gaar ah wadanna. Xubnihii barlamaanka iyo siyaasiyiinta waa la sugayey oo qaarba qolaa kaxaysay, anna waxa aan ku degey badhasaabkii gobolka Banaadir, Cali Cumar Sheegow, oo aan marti u noqday. 1-dii Julay waxa dhacay dabbaaldeggii oo qolyihii Soomaaliya ee aannu u tagnay samaynayaan”. Cismaan Axmed Xasan (Cismaan–indhoole) oo ahaa badhasaabkii ugu Horreeyey ee Hargeysa markii xornimada la qaatay ayay intani ka mid ahayd hadal dheer oo aan ka duubay 27-kii July 2006, White Chapel, London.

Arrintaas waxa ka marag kacay isna Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-waraabe), AHN, oo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, AHN, ay ka wada sheekaysteen taariikhdaas. Xaajigu waxa uu tilmaamay in isagu uu ka mid ahaa NUF (xisbigii Maykal Mariama). Xaajigu waxa sheegay in la kala yaacayey oo aan lagu wada socon wax talo iyo qorshe ah, markii xornimada la qaatayna Muqdisho loo boqoolay isla markiiba. Waxa taas ka dhashay in nimankii dawladimada qaatay ee midnimada gelayey ay ka helaan dhawr wasiir dawladdii midnimo ee la dhisay. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHN, Cali Garaad Jaamac, AHN iyo Axmed-kayse Cabdalle ayaa ka mid ahaa raggii wasiirrada la siiyey.

Wax yar ka dib is-raacaas aan isu dheellitirnayn ee labada gobol wada galeen, iyada oo weli lagu guda jiro “Bishii Malabka ama Shahral Casalkii ama Honey Moon-kii arooska)” ayaa waxa soo baxay dareen taban oo hoosta ka xarriiqaya tabashooyin waxgaradkii dadka uga dhex muuqday sidii loo maamulayey midhihii ka dhashay midowgii labada gobol mataanoobeen.

Midnimadu waxba ma ay dhimin oo tallaabo wanaagsan bay ahayd, wax se wax kharribey sidii loo sada galay ee qorshe la’aanta ahayd iyo sidii wax loo maamulay markii dambe ee is-raacu dhacay.

1961 waxa dhicisoobey inqilaab dhallinyaro saraakiil ahi isku dayeen in ay gobolladii Waqooyi ka gooyaan kuwii Koonfurta ee ay sannad ka hor la midoobeen. Xasan-kayd Walanwal, AHN, ayaa hormoodkooda ka mid ahaa, waxa na ku weheliyey saraakiil badan oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Cabdillaahi Bullaale, AHN, Siciid Cali Giir, AHN, Cabdi Xabashi, AHN, iyo Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Cabdillaahi Congo oo aan nolol kaga war hayo.

Waxa isku daygaas afgembiga raacay qaaddacaaddii Aftidii Distoorka ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1961 ee Aadan-yabaalayska iyo Wallaweyneynta loo yaaqaanney. Inta badan dadkii ku noolaa gobolladii Waqooyigu waxa ay diideen in ay u footeeyaan la ansixiyo distoorkii ugu horreeyey Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Cabdillaahi Suldaan Timacadde, AHN, oo 1961 Gebiley ka mid ahaa dad ku soo dhoweynayey Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa geeraar soo dhoweyn gob iyo caadkeed ah oo duco, dardaaran iyo digniinba ka kooban goobtii soo dhoweynta ka tiriyey, isaga oo dareenka shacbiga ee gobolka guud ahaan cabbirayey, waxanu ka mid ahaa geeraarkaas beydadka taariikhda galay:

“Maalintii dadku qiiqay een isticmaarkii is diidnay
Nimankii danta sheegtaye dacwaddooda dhammaystaye
Dalkan caawa la joogo dulligii isticmaarkiyo
Karal daaqad ka saaraye duddadaanu ahayne
Dawlad soo gashay miihine danteennaa laba diiddaye
Dabuub aannu maqlaynay dareen baan ka qabnaaye
Dugsigii barlamaankiyo dekeddii Xamar baa leh
Berbera daadku ha qaado doonniyi yaanay ku weecan
Labadaa ka la daaya’oo duqaydii barlamaankaay
Yaan la daymo la’aaneey!

October 1962, waxa dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmarke, AHN, iska casiley wasiirro reer Waqooyi ah oo dedaal ugu jirey in ay muujiyaan tabashada dadka Reer Waqooyi, iyada oo maalmo ka dibna ay xildhibaannadii golaha wakiillada ee Waqooyigu, gaar ahaan Isaaqu ku hanjabeen in ay ka bixi doonaan golaha wakiillada, hase yeeshee dedaalkaas siyaasadeed waxa wiiqay oo mija-xaabiyey mudanayaasha kala ah Ibraahim Cismaan Food (Basbaas), AHN iyo Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi), AHN, oo loo kala magacaabay wasiirrada Ganacsiga iyo Wershedaha, iyo waxbarashada sida ay u kala horreeyaan, raggaas oo loo la shiray si qarsoodi ah waxa ay oggolaadeen in ay buuxiyaan jagooyinkii wasiirrada Isaaq iska casileen. Waxa aan xogtan ka helay Buugga “Sababihii Burburka Soomaaliya”, soo saaristiisii koowaad 1999 Cabdulqaadir Aroma, AHN, bogagga uu kaga hadlay “Niyad-jabkii Isaaq”.

Axmed Ismaaciil Diiriye na waa kii lahaa:
“Inamada dhowaan ii kacaw waydin eersadaye
Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye
Ma afurin agoonkii wadiyo kii ushaw sidaye”!

Tabashooyinka Reer Waaqooyi waa ay sii tarmayeen marba marka ka sii dambeeya, hoos in loo eegaana waxa ay noqotay calaacal timo ka soo baxeen.

Dekedda Berbera waa dabiici aan dad samee ahayn. Dhawr goor ayaa ballaadhin lagu sameeyey. Turgigii Berbera fadhiyi jirey xilligii dawladdii Cismaaniyiinta ayaa ugu horreeyey cid wax ku kordhisa dekeddaas dabiiciga ah. Quwadaha Ruushka iyo Maraykanka ayaa midkiiba ku daray in ka badan 3000 mitir sannadihii 1967 iyo 1982 sida ay u kala horreeyaan. May 2017 wixii ka dambeeyey waxa dekedda hawlo ballaadhin iyo casriyey ah ka wada shirkadda DPWorld ee UAE laga leeyahay.

1967 waxa Ruushka iyo xukuumaddii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, AHN, ku heshiiyeen in dekedda la ballaadhiyo, kharashka ku baxayana uu Ruushku qaabbilo qalabka iyo farsamada oo dhan, xukuumadda Soomaaliya na ku qaybto mushahaarada iyo gunnooyinka shaqaalaha.

“1200 shaqaale ah oo aan ka mid ahay ayaa shaqaale loo qaatay. Hawshii baa bilaabantay. Markii ay muddo socotey ayaa xukuumaddii joojisey mushahaaradii iyo gunnadii shaqaalaha. 1129 shaqaale ah ayaa subax qudha ka dareeray shaqadii oo dhulka iska dhigay hawshii dhismaha dekedda ee ay hayeen. Waxa aan ka mid ahaa 71 ka soo hadhay. Waxa guddoomiye noo ahaa Siciid Jaamac “GR”, ku xigeenna waxa u ahaa Cismaan Nirig”. Waxa aan xogtay ka qoray Cismaan Aadan Barre oo hadda 80 jir kor u dhaafay, Berbera, May 2017, oo shaqaalahaas ka mid ahaa.

Waxa kale oo uu Cismaan Aadan Barre ii sheegay in markii mushahaarada laga joojiyey ka dib uu soo baxay in uu jiro hindise iyo qorshe ay xukuumaddu ku hakinayso hawshii Berbera ka socote, loona wareejinayo dekedda Kismaayo. Hase yeeshee buu Cismaan yidhi “marka xaal halkaas marayo oo shaqadii taagan tahay ayaa waxa shir isugu yimi ganacsatadii waaweynayd ee Reer Berbera oo ka koobnayd 16. Waxa ayna dammaanadqaadeen in ay bixiyaan mushahaarada iyo gunnada shaqaalaha inta ay hawshu socoto si aanay u lumin fursadda qalab, aqooneed iyo farsamo ee Ruushku ku deeqay, waa aanay ka jibbo keeneen ka-midho-dhalinteeda”.

Tujaartaas u quntay hawshaas intaas le’eg oo ka soo kala jeeddey Somaliland oo dhan, Berberana ganacsiyo waaweyn ku lahaa waxa ay kala ahaayeen oo Cismaan ii yeedhiyey magacyadooda:

1. Axmed Xaaji Cabdillaahi (Xashiish)

2. Xaaji Jaamac Maxamed Ismaaciil (Miyateyn)

3. Jirde Xuseen

4. Yuusuf Iimaan

5. Maxamuud Cali Ismaaciil (Barigeeye)

6. Faarax Xarbi Saalax

7. Faarax Maxamed Faarax (Dawaarre)

8. Xaaji Axmed Xaaji Ibraahim Jaamac

9. Suufi Xasan Cigaal (Darjeex)

10. Xaaji Cabdillaahi Abu Site

11. Xirsi Aadan

12. Axmed Shire Ismaaciil

13. Dhoollayare

14. Aftax Cabdi Cali

15. Xuseen Dheere iyo

16. Yuusuf Badheedha.

Ismaaciil Xalleef, AHN, oo ka mid ahaa jaaliyaddii Cadmeed ayaa dareenkaas dekedda Berbera ka hadlay isaga oo wax ka soo dhowaynayey Cabdirashiid Cali Sharma’arke, AHN, oo booqasho Cadan ku yimi isla sannadkaas 1967. Gabay geeraarkaas sare ee Cabdillaahi Suldaan u dhigma ayuu ra’iisal wasaaraha uga tiriyey goobtii soo dhoweynta ee magaalada Cadan, waxanu yidhi:

“Rashiid Cali sharma’arkow digtoor raahibaad tahay
Raasada Berberi waa wadnaha Reer waqooyiga’e
Kol se haddaad Kismaanyo u rartaan reerku kala guurye!”

Xilligaas 1967 Cabdirashiid Cali Sharmarke, AHN, uu madaxweynaha ka ahaa waxa ra’iisal wasaare u ahaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal, AHN.

La soco qayta 5aad oo sii ambaqaadaysa dareenkaas bulshada Reer Waqooyiga ee la xidhiidha midowga 1960.

Maxamed Baashe
mohamedbashe@hotmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this