Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudahaarad looga horjeedo Somaliland oo ka dhacay degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
Ceelbuh.jpg?w=1000&ssl=1Shacabka Ceelbuh oo dhagax kala hor tegay ciidamada Somaliland

Shacabka ku nool degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa maanta mudaharaad ku muujiyay sida ay uga horjeedan joogitaanka ciidamada Somaliland ee gobolkaasi.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Ceelbuh oo sitay calanka Puntland kuna dhawaaqayey ereyo ka dhan ah Somaliland ayaa socod ku maray waddooyinka degmada.

Degmada Yubbe ayaa iyadana la sheegaya in ciidamada Somaliland dhaawac culus ugu geysteen qof dumar ah kadib markii ay rasaas ku fureen shacab halkaasi ku mudaharaadayey inkastoo degmada Yubbe ay weli ku sugan Yihiin ciidamada Somaliland.

Sidoo kale ciidamo Somaliland ah oo xalay ka soo baxay degaannada Ceel-Afweyn iyo Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag ayaa saaka ku soo biiray ciidamadii hore Somaliland uga joogay degmada Yubbe.

Dhinaca kale Puntland ayaa xoojisay ciidamada ka jooga  duleedka bari ee degmada Yubbe iyadoo ay wahtigan meelo isu muuqda joogan ciidamada labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland.

Xiisad colaadeed oo horleh ayaa laga dareemaya gobolka waxaana laga cabsi qabaa in dagaal ka qarxo degaannada la isku hor fadhiyo.

PUNTLAND POST

The post Mudahaarad looga horjeedo Somaliland oo ka dhacay degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this