Sign in to follow this  
Deeq A.

JUBALAND oo jawaab kulul ka bixisay go’aankii kasoo baxay dowladda federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaarada arrimaha gudaha ee Jubbaland ayaa warsaxafadeed kaga jawaabtey war saxaafadeedkii xaley ay soo saartey wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. taas oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dowlad Goboleedyada dalka.

Waxaana Maamulka Jubaland noqonaa Maamulkii Sadexaad ee ka horyimaada waxaa horay sharcigaan Gaashaanka ugu duruuray Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Jubaland waxay sheegtay in habraaca ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya uu si cad uga hor-imanayo dastuurka dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan marnaba aqbaleyn.

Jubaland ayaa ah maamulka ugu horreeya ee dhowaan doorasho ay ka dhaceyso waxayna marar badan ka digtay faro-gelin ay sheegtay in dowladda federaalka ay ku hayso arrimaha maamulkaas.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Jubalandwarsaxaafadeedka-Jubbaland-1.jpg warsaxaafadeedka-Jubbaland-2.jpg warsaxaafadeedka-Jubbaland-3.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this