Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo U Ambabaxay Dalka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay Magaalada Beijing ee Caasimadda dalka Shiinaha.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan maamulka Puntland,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Puntland.

Wararka Goobjoog News  ay ka helayso Garowe  ayaa waxa ay sheegayaan in Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee dalka Shiinaha uu yahay mid la xiriira mashaariicda dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga shiinaha la doonayo inuu ka fuliyo deegaanada Putnland.

Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ugu ambabaxo dalka dibadiisa tan iyo markii 8-dii Jenaury 2019 si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this