Deeq A. Posted May 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Labada degmo ayaa ku wada jiro Group-ka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Shibis iyo Waabari ayaa tartamadii hore waxa ay soo miijiyeen dadaallo xoogan, waxaana ay la yimaadeen natiijooyin wax ku oo ah. Degmada Shabis labadii kulan ee la soo dhaafay mar waxa ay guul ka soo gaartay dhiggeeda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, marna waxa ay barbar dhac la soo gashay deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale Waabari ayaa kulankeedii koowaad soo badisay , halka lugtii labaadna laga soo badiyay. Tartamayaasha labad koox ayaa haatan u isugu diyaarinaya ka qeyb galka barnaamijka xiisaha badan tartan aqooneedka Shabelle. Degmada badisa Shibis iyo Waabari waxa ay fariisan doontaa wareega sided dhammaadka ee tartanka. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle abaal marin ku bixinaya shirkada ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites